Tababar Aqooneed ku Saabsan Fahamka, Falanqaynta, iyo Saadaalinta Isbeddellada Siyaasadda Caalamka

Si kor loogu qaado fahamka, falanqaynta, iyo saadaalinta isbeddellada siyaasadeed ee gobolka iyo dunida, Nexa Centre waxay toddobaadkan qabatay tababar aqooneed muhiim ah oo ay ka qayb galeen dhalinyaro, aqoonyahanno, xirfadlayaal, iyo xubno firfircoon oo bulshada Somaliland ah.

Diirada Tababarka

Tababarka waxaa bixiyey Guddoomiyaha Xarunta Tababarada iyo Buuxinta Gap-ka Waxbarashada Sare ee JSL, Prof. Abdinasir Hassan Timoweyne, waxaana diiradda lagu saaray sidii ka qaybgalayaashu u yeelan lahaayeen faham qoto dheer oo ku saabsan:

sida siyaasadda caalamku u shaqeyso

sababaha ka dambeeya khilaafaadka iyo iskaashiyada dowladaha
iyo sida loo fahmi karo loona saadaalin karo jihada ay u socdaan arrimaha gobolka iyo duniduba

Aragtiyada waaweyn ee Siyaasadda Caalamiga ah

Intii uu socday tababarku, ka qaybgalayaashu waxay si fudud oo faham leh ugu barteen aragtiyaha ugu waaweyn ee lagu fasiro siyaasadda caalamiga ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

Realism

tartanka awoodda iyo amniga

Liberalism

iskaashiga iyo xidhiidhka dowladaha
Nationalism
danaha qaranka iyo aqoonsiga bulshada
Constructivism
saameynta fikirka, aqoonsiga, iyo aragtiyada bulshada
Marxism
awoodda dhaqaalaha iyo sinaan la’aanta nidaamka caalamiga ah

Goobaha Diirada-saaridda Gobolka

Tababarka waxaa sidoo kale sii xoojiyey doodaha iyo falanqaynta ku saabsan xaaladaha iyo isbeddellada siyaasadeed ee hadda ka socda:

Geeska Afrika

Bariga Dhexe

iyo guud ahaan nidaamka siyaasadda caalamka

Ka qaybgalayaashu waxay ahaayeen dad leh aqoon iyo waayo-aragnimo kala duwan. Qaar waxay hore u lahaayeen asal aqooneed oo International Relations iyo Geopolitics ah, halka kuwo kalena ay ahaayeen dhalinyaro iyo xirfadlayaal doonaya inay si qoto dheer u fahmaan siyaasadda gobolka iyo tan caalamka. Sidaas darteed, casharrada iyo doodaha waxaa loo dhigay qaab sahlan, practical ah, isla markaana qof walba uu si fudud uga qayb qaadan karo.

Ujeedada iyo Natiijooyinka

Ujeeddada tababarku ma ahayn oo keliya barasho aragtiyeed, balse waxay ahayd:

kor u qaadista wacyiga siyaasadeed

horumarinta fikirka falanqaynta

iyo dhisidda bulsho si miyir leh u fahmi karta isbeddellada dunida maanta

Nexa Centre waxay sii wadaa dadaallada lagu kobcinayo aqoonta, fahamka siyaasadda, iyo horumarinta maskaxda dhalinyarada iyo xirfadlayaasha Somaliland.

Scroll to Top